Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tegay degaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Sh/Hoose oo dhawaan Ciidamada dowladda kala wareegeen Al-Shabaab.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu sii socon doono dagaalka lagula jiro Alshabaab, ayna ciidamada gaari doonaan degaanada kale ee Alshabaab ka taliyaan.
Socdaalka madaxweynaha oo qarsoodi ahaa ayaa wararku sheegayaan inay diyaarad helicobtar ah geysay degaanada uu booqday. Ciidamada Danab ayaa howlgallo ka wada gobolka Shabeellaha Hoose.