Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Qarixii qasaaraha badan dhaliyay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo ku dhaqaaqay tacsi qaran ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq ah, iyadoo hoos loo dhigay Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Go’aanka madaxweynaha ayaa yimid kadib qarax aad u weyn oo maanta gilgilay magaalada Muqdisho, kaasoo sababay inay ku dhintaan dad fara badan , dhaawacyo iyo dad weli lagu la’ yahay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u gurmadaan dadka dhaawacyada qaba, isaga sidoo kale ku baaqay loo midoobo caddowga, sida lagu yiri farriimo lasoo dhigtay barta Madaxtooyada ee baraha bulshada.
Goobjooge