Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo kulan degdeg la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada [Amar ka soo baxay Qaraxyadii Jimcaha]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo  oo shalay dib ugu soo laabtay dalka ayaa kulan degdeg maanta la yeeshay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee dalka.

Sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka degdega ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada, isagoo  faray in ay si dhaqso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha.

Saddex Qarax oo Alshabaab Jimcihii la beegsaday Hotelka Saxafi ayaa lagu dilay dad ka bnadan 50 qof, waxaana lagu dhaawacay 106 kale, waxaana arrintan ay dhalisay qeylo dhaan ku saabsan xaaladda amniga Muqdisho.

Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ayaa maalintii Jimcaha lagu arkay iyagoo ka wada qeyb galaya xaflad loo sameeyay Shirkadda Diyaaradaha Ethopian Airlines, taasoo dad badan ay la yaabeen, waxaana lagu arkaa  xafladaha iyo munaasabadaha.

Image may contain: people sitting, living room, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 1 person, sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON