Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee caasimadda Muqdisho.
Kulanka oo xalay dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa, iyadoo looga hadlay xaaladda amniga ee caasimadda iyo sidii wax looga qaban lahaa cabashooyin ku saabsan wadooyinka la xiro iyo dadka faraha badan ee lagu xiro howgallada amniga.
Kulankan oo aan wax faafhaahin ah laga bixin ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhex mara Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in inta badan guddoomiyeyaasha G/Banaadir xilalka laga qaadayo, basle ay taasi noqon doonto mid aan u dhicin si wadar ah ee marba guddoomiye la eryi doono.
Tan iyo markii la magacaabay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayay cabsi weyn soo wajahday guddoomiyeyaasha G/Banaadir oo ah kuwii uu mar qura magacaabay guddoomiyihii hore Taabit Cabdi Maxamed, waxaase loo xaqiijiyey inaan degdeg xilka looga qaadi doonin.