Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Saraakiil Dhalinyaro ah oo loo magacaabay Hoggaannada Ciidamada Milateriga

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmayaa saraakiishii Dhalinyarada ah ee dhowaan loo dhiibay hoggaanada qaar ee Ciidanka, kadib isku shaandheyntii la sameeyay.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaan  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Gorod iyo Saraakiisha Millitariga.

Saraakiil ku sugan Wasaarada gaanshandhiga Soomaaliya ayaa Sheegay in kulanka looga wadahadlayo sidii loo bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Sidii looga hortegi lahaa Weerarada iyo Qaraxyada Shabaab ay ka geystaan Dalka.

13 Sarkaal oo ka tirsan Millitariga Soomaaliya ayaa lagu soo koobay hoggaanada ciidamada milateriga, kadib isbadal uuu  ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana meesha laga saaray saraakiishii hor ee howlgabka noqday, iyadoo lagu bedelay dhalinyaro aqoonyahannao ah oo dhowaan ku biirtay Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo tababar ku soo qaatay dalka Dibaddiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON