Saxaafadda Mareykanka oo si wada qoraalada iyo faallooyinka ay sameyneyso madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ogaatay inuu ka mid ahaa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.
Maqaal dheer oo lagu qoray webka buffalonews ee laga leeyahay magaalada uu deganaa Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu ka mid ahaa xubaha xisbiga Jamhuuriga u diiwaan gashan, kana qeyb qaatay ololayaasha xisbigaasi oo ah kan uu ka soo jeedo madaxweynaha xilligan ee Donald Trump.
Waxaa loogu yeeray qof bulsho ah oo saaxiibadii xisbiga ay ku barteen inuu ahaa nin firfircoon, isagoo shaqooyin badan gacan ka siiyay dadka Soomaalida ah ee degaanka uu deganaa ku noolaa.

Nolosha Farmaajo ayaa la sheegay inay gebi ahaan isbedeshay horaantii sanadkii 2010 markii qof saaxiib la ah uu la kulansiiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheeklh Axmed oo markaas ku sugnaa magaalada New York, isagoo markii danbe u magacaabay Ra’iisal wasaare.
Goobjooge.com