Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay la-taliyeyaal cusub oo uu yeelanayo.
La-taliyeyaasha cusub oo ka mid noqonaya liiska la-taliyeyasha madaxweynaha ee fara badan ayaa kala ah:
1 – C/risaaq Axmed Hassan (Durqun) oo loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca iyaasadda.
2- Nuur Diinaari waxaa Madaxwaynuhu u magacaabay Lataliye ( Lama raabin qeybta uu qaabilsan yahay).
C/risaaq Durqun ayaa xilligii Dowladii Kumeel-gaar ka ahayd ee AU Madaxwayne C/llaahi Yuusuf uu soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo dhinaca kale la-taliyaha arrimaha siyaasada u ahaa Cumar C/rashiid.
Dhinac kale Nuur Diinaari ayaa isna soo ahaa kuxigeenka Agaasinka Madaxtooyada, Xilligii Sheekh Shariif, isagoo Dowladii Xassan Sheekha kasoo noqday Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Urur Gobolerdka IGAD.
Magacaabidda jagooyinka dowladda siiba madaxtooyada ayaa u muuqda kuwo weli soo socda inkastoo muddo shan bilood ah uu xilka hayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Goobjooge