Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta shir degdeg la yeeshay dhammaan taliyeyaasha ciidamada ayaa kala hadlay laba qodob oo muhiim ah.
Kulanka ayaa qaatay saacado, iyadoo madaxweynaha uu taliyeyaasha kala hadlay Labo qodob oo kala ah: Sidii la isugu xiri alaa ciidamada kala duwan ee dowladda oo aanay dib u soo noqon isku dhacdyada dhiigga ku daatay ee ciidamada dhexdooda iyo in Ciidamada dowladda u diyaar garoobaan sidii ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka.
Madaxweyne ayaa amray in la magacaabo guddi ka kooban talisyada ciidamada qalabka sida oo soo diyaariya qaabka ugu wanaagsan ee ay ciidamadu ku wada shaqeyn karaan, looga hortegi karo isku dhacyada joogtada noqday.
Taliye xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed kulanka kadib saxaafadda u faahfaahiyey waxyaabihii looga wada hadlay.
“Maanta oo bisha July tahay 31, madaxweynaha wuxuu isugu yeeray dhammaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, taliyeyaasha hogaannada oo dhan, waxaa laga wadahadlay Labo arrin oo midi ay tahay sidii looga wareejin lahaa ciidamada AMISOM ammaanka, umadda Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka, gaar ahaan in la dedejiyo la wareegista amniga ee magaalada Muqdisho, kaasi waxa uu ahaa qodobka Koowaad oo aad loogu dheeraaday, madaxweynahana uu booriyey in waajib ciidamada qalabka sida saaran uu yahay la wareegista xilkaasi, loona baahan yahay in dalkaan loo dhinto, naftana loo huro, taas qodobka Koowaad ayuu ahaa, qodobka Labaadna wuxuu ahaa oo madaxweynaha uu ka hadlay wada shaqeynta ciidamada dhexdooda waxyaabaha yar ee dhacaya iyo xurgufta inay meesha ka baxdo, ciidamadana ay si toos ah u wada shaqeeyaan ay aaminaan ineyyihiin Hal ciidan u shaqeeya Hal dal, Hal xukuumad u shaqeeya, umadda Soomaaliyeedna u adeegaan in ciidankaasi yahay ciidan mideysan oo kaliya ee aanu ahayn ciidan dhowr dowlad u kala shaqeeya, ciidankaan Hal maamul ayuu u shaqeeyaa, Hal dowlad iyo Hal shacab ayuu u shaqeeyaa, ciidanka inuu Hal noqdo ayuu madaxweynaha aad u booriyey waana isla qaadannay taas, waxaana uu amray in la magacaabo guddi ka kooban ciidamada qalabka sida, guddigaasina uu soo bandhigayo nidaamka ugu wanaagsan ee ciidamada ku wada shaqeyn karaan” ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidamada Booliska.
Goobjooge