Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo loo heysto dhimasho & dhaawac ay geystay Kolonyo uu la socday

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta oo ay jiirtay kolonyada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo la socday shalay.

Kolonyada Madaxweynaha ayaa jiirtay laba ruux oo xilligaas socda wadadda hormarta Villa Somalia, waxaana dhintay Tahliil Jimcaale Hubane oo ahaa shaqaale muddo dheer u shaqeynayay Wasaaradda Warfaafinta.

Qof kale oo haweeney ah magaceedana lagu sheegay Faadumo Sahra ayaa dhaawac culus ka soo gaaray kolonyada uu la socday madaxweyne Farmaajo oo xowli aan loo meel dayin ku socday.

Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Yariisow ayaa tacsi  u diray Marxuum Tahliil Jimcaale, isagoo aan soo hadal qaadin shilka kolonyada madaxtooyada.

Madaxtooyada Soomaaliya  ayaa laga sugayaa inay ehelka marxuumka oo ahaa shaqaale dowladeed la xiriirto, isla markaana haweeneyda dhaawaca ah ay wax u qabtaan, inksatoo ku dhowaad 24 saacadood aan wax war ah laga heynin.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON