Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad culus ku furaya Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta furaya kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka.

Xafladda furitaanka Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya ayaa kaa dhaceysa Dugsiga Sare ee Tababarka Booliska  Gen. Kaahiye, oo loo wareejiyay kulanka furitaanka, sababo aan la sheegin dartood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu khudbadiisa uga hadli doono xaalada dalka, mowqifka dowladiisa ee arrimaha xasaasiga ah sida: Heshiiskii Maamulka Soomaliland ay Imaaradka ku siiyeen Saldhig milateri iyo Dekadda Berbera oo mooshin ka yaallo iyo Mowqfiska Dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka ka dhaxeeyay dalalka Khaliijka.

Madaxweyne Farmajo ayaa culeysyo badan oo siyaasadeed soo food saareen toddobaadyadii ugu danbeeyay, iyadoo madaxda maamul Goboleedyada ay noqdeen halista ugu weyn ee heysata, waxaana lagu wadaa inuu khudbad culus oo is difaac ah jeediyo.

Xildhibaano badan ayaa is bedelay afartii bilood ee ka danbeysay doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxaana la hadal hayaa Mooshinino kala duwan oo looga horjeedo dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON