Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo maanta oo furaya Fadhiga labada Aqal ee Baarlamaanka & Laba Qodob oo laga sugayo [Akhriso]

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu furo kalfadhiga 3-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa khudbadu jeedin doona xildhibaannada labda Aqal ee Baarlamaanka, iyadoo laga sugayo inuu si toos ah uga hadlo arrimo saameyn ku leh xaaladda dalka oo xilligan taagan.

Xiriirka dowladda Soomaaliya la leedahay Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya iyo xaaladda heshiiska mowqifka dowladda ee Heshiiska Berbera ayaa ugu waaweyn arrimaha laga sugayo inuu ka hadlo madaxweynaha, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuusan si toos ah u abaari doonin ee u dhaafi doono xukuumadda.

Qabanqaabada munaasabadda furitaanka kalfadhiga saddexaad ee Baarlamanka Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeeyy ka socotay Muqdisho ayaa ka dahceysa Xarunta Dugsiga tababarka Booliska Jenaraal Kaahiye, magaalada Muqdisho.

Labada Aqal ayaa la sheegay inay geli doonaan kalfadji xasaasi ah oo mooshino badan ay diyaarinayaan xildhibaannada Golaha Shacabka marka laga soo tago sharciyada fara badan  ee horyaalla.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON