Sunday, June 29, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooda kulan kula yeeshay Qaar ka mida Dhalinyarrada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaara xarunta Madaxtooyada kula yeeshay qaar ka mida dhalinyarrada Muqdisho oo ka socday ururrada dhalinyarada Muqdisho.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo dhalinyarrada ayaa lagu sheegay mid xog is-weydaarsi ah oo  uu la yeelanayo xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada magaalada Muqdisho oo dhowaan bannaanbax cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho, iyadoo ka cabanayey xaaladda amniga iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka. waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooyinka wax ku oolka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON