Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa agaasime cusub u magacaabay Hab-maamuuska Madaxtooyada Soomaaliya.
War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Yuusuf Xasan Salan inuu noqdo Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Soomaaliyaa, isagoo hore u ahaa Agaasime ku Xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada.
Madaxtooyda wax faahfaahin ah kama bixin agaasimihii hore, sababaha xilka looga qaaday, iyadoo aan la soo hadal qaadin in xilka laga qaaday iyo inkale.
Agaasimihii hore ee hab maamusha Cabdi Xaaji Cumar ayaa la magacaabay July 2019. markii uu dalka ka baxsaday agaasimaha kasii horeeyay ee Saciid Kampala markii ay ku soo baxday fadeexad muran Dhuleed, isagoo adeegsaday awoodda ciidamada dowladda.