Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo u xil saaran dhaqaale u ururinta ciidamada AMISOM.
Labada wafdi waxaa kala hogaaminayey Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay kala hogaaminayeen Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo loo xilsaaray ka shaqeynta arimaha dhaqaalo u raadinta Howlgalka Amisom ee somaliya.
Masuuliyiintan ka socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyey talaabadii uu qaaday xalinta qilaafka Baarlamanka Soomaaliya, waxaana ay muujyeen sida ay beesha caalamka uga go’antahay garab istaaga Soomaaliya.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen danjirayaasah gaarka ee Qaramada Midoobay iyo Midowaga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya M.Keting iyo Francisco Madeira ayuu Madaxweyne Farmaajo wuxuu kaga hadlay ahmiyada Dhismaha Ciidanka u leeyihiin Dowladda uu hogaaminayo oo uu sheegay madaxweynuhu inuu gacanta ku hayo dib u habeynta Ciidamada qalabka sida oo uu xusay Madaxweyne Farmaajo inuu ku rajo weynyahay inay ku filnaan doonaan Amniga dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga wadajirka ah ee UN-ka iyo Midowga Afrika dalbaday in habka dhaqaalo u raadinta Ciidanka AMISOM ee ay wadajirka uga shaqeenayaan Midowga afrika iyo Qaramada Midoobay lagu daro in si la mid ah ay ciidanka Soomaaliya loogu helo dhaqaalo u suuragaliya inay ku filnaada masuuliyada Amniga dalkooda.
Kulanka oo sidoo kale looga hadlay arimaha dib u heshiisiinta, tayeenta ciidanka iyo la-dagaalanka Argagixisada ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa ka hadlay qorshaha ay dowlada soomaliya e ku aadan la dagaalanka aragaxisada ayada oo markasta laga fakaryo yareenta qatar soo gaari karta dadka rayidka ah.