Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud iyo kan Shirkadaha Ganacsiga oo ay ansixiyeen xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.
Labadan sharci oo la sheegay inay hagayaan qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa ayuu si degdeg ah u saxiixay Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inay sharciyadan waxtar weyn u leeyihiin hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda ee qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laga rabaa inuu saxiixo sharciyada ay meelmariyaan labada Aqal ee Baarlamaanka si ay dhaqangal u noqdaan marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah. Waxaase jira jira hindise sharciyeedyo aanu saxiixin sida kii ka dhanka ahaa dowladda Imaaraadka Carabta.