Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Shaqada ka eryay Lix Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare [Akhriso Magacyada]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaqadii a ereyay lix garsoore oo ka mid ahaa Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.

Wareegtada shaqada looga eryay garsoorayaashii Maxkamadda sare ayaa timid markii ay garsoorayaasha iyo guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare isku dhaceen, iyagoo maanta saxaafadda u sheegay inaysan la shaqeyn karin Baashe Axmed Yuusuf oo ay ku eedeeyeen khibrad la’aan.

Xubnaha Garsoorayaasha  xilka laga qaaday waxay kala yihiin:

1 – Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

2 – Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

3 – Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

4 – Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

5 – Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

6 – Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Waa markii ugu horeysay ee garsoorayaal tiro badan hal marar shaqada laga saaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON