Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo shir Degdeg isugu yeeray taliyeyaasha Ciidamada

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in shir degdeg ah uu ka socdo xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Shirka waxaa ka qeyb galaya taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida oo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo isugu yeeray ayaa la sheegay in looga hadlayo xaaladda ammaanka dalka, iska hor imaadyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo howgalka Alshabaab.

Madaxweynaha oo si hordhac ah ula hadlay taliyeyaasha ayaa ugu baaqay inay xoogga saaraan xiriirka dhexdooda ah. Madaxweynaha ayaa ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee dadka shacabka ah ay ku dhinteen.

Kulanka oo albaabada loo xiray hadda ayaa lagu wadaa inay kasoo baxaan go’aamo ku saabsan xaaladda ammaanka iyo wadashaqeynta ciidamada dalka.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON