Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo si cad u sheegay inaan Heshiis lagu gaarin Shirkii Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay inaan wax heshiis ah lagu gaarin wejigii labaad ee shirka wadatashiga Dhuusamareeb.

Khudbad aanu wax badan ku qarin oo uu Madaxweynaha ka jeediyey ayuu ku sharxay khilaafka ka taagan doorashada dalka, wuxuuna sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay sheekeysteen, isla markaana aragtiyadii kala duwaneyd laga dooday, wixii dhex marayna uu la wadaagi doono madaxda Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha ayaan waxba kasoo qaadin qodobadda ugu muhiimsan ee ku qornaa War-murtiyeedka kasoo baxay shirka sida in la qabto Doorasho ku dhacda waqtigeeda iyo in la sameeyo Guddi farsamo oo arrintaasi kasoo shaqeeya, wuxuuna xaqiijiyey in shir kale la isugu soo noqon doono.

Khudbada Madaxweyne Farmaajo ayaa eeda dusha u saaray Baarlamaanka Federaalka oo uu sheegay inuu bedelay sharcigii Doorasho, isagoo shaki geliyay in sharci kasta oo doorasho uu damaanad qaadi karo in doorasho xalaal ah ay dhacdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON