Tuesday, July 15, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Khartoum [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka caalamiga ah ee magaalada Khartoum ku soo dhoweeyay madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo madax ka tirsan dowladda Suudaan oo garoonka ku sugnaa.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Suudaan Maxamed Mumtaz ayaa sheegay in booqashada madaxweynaha Soomaaliya ujeedkeedu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, ayna ka wadahadli doonaan labada dhinac arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha ay wadaagaan labada dal.

Labada dal ee Suudaan iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixan doona heshiis is-faham ah oo quseeya beeraha, waxbarashada iyo dhinacyo kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON