Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyey in Berri oo Sabti ah 15-ka Ogost uu kulan yeelan doono Golaha Shacabka, waxaana fariin loo diray xildhibaannada lagu wargeliyey ajende lama filaan ah.
Ajendaha kulanka berri ayaa lagu sheegay inuu yahay: Warbixin Madaxweynaha JFS u jeedinayo Xubnaha Golaha Shacabka, iyadoo aan faahfaahin laga bixin waxyaabaha uu kala hadli doono.
Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayey inuu soo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub, kadib markii uu meesha ka baxay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan ujeedka madaxweynaha.
Xildhibaannada Mucaaradka oo lama filaan ku noqotay fadhiga uu dalbaday Warbixinta uu Madaxweyne Farmaajo doonayo inuu ka horjeediyo Golaha Shacabka ayaa caawa is abaabul ku saabsan sidii ay uga falcelin lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa caadiyan fura kalfadhiyada Golaha Shacabka sanadkiiba mar, wuxuuna codsan karaa kulamo kale markii uu u baahdo.