Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo si lama filaan ah uga baaqday Xaflad si weyn loogu diyaariyay & Wakiilkiisa oo ka hadlay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka baaqsaday xaflad si weyn loogu diyaariyey oo maalmo lagu howlanaa, taasoo ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Xafladan oo lagu maamuusay diyaarinta Manhajka Waxbarashada Dowladda iyo dadkii soo diyaariyey ayaa si lama filaan ah looga waayey Madaxweyne Farmaajo iyadoo amnigeeda si weyn loo adkeeyay isla markaana xalay xilli danbe loo xiray wadooyinka soo gala Tiyaatarka oo meel o fogfog laga xiray.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ayaa meel kasta la dhigay, iyadoo ardaydii ka qeyb gashay ee qaar ka mida dugiyada magaalada laga keenay la marsiiyey baaritaan adag, si dhibaato ahna ku gaareen Tiyaatarka.

Ad

Lama shaacin sababta uu xafladan uga baaqday Madaxweyne Farmaajo. balse marar badan ayey dhacday in xilliyada ugu danbeeya lagula taliyo inuu sababo amni iyo arrimo kale uga baaqsado xaflado uu qorsheystay inuu ka qeyb galo.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wakiil ka noqday Madaxweynaha isagoo goobta ka sheegay inuu rajeynayo in Madaxweyne Farmaajo uu kusoo baxo wareegga koowaad ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2020/2021 sida ka dhacday maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo K/Galbeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON