Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa safar aan hore loo qorsheyn uga dhoofay maanta magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan xukuumadda ayaan wax faahfaahin laga bixin socdaalkooda, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in socdaalkiisu la xiriiro shir madaxeedka Carabta iyo Yurub ee ka dhici doona Sharma’sheekh dalka Masar.
Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha dalka Masar C/fataax Alsisi oo ay ka wadahadli doonaan xaalada Somalia kasoo wajahday dalka Kenya oo xiisad diblomaasiyadeed kala dhaxeyso.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo dalka Masar magaalada Xeebta ku taalla ee Sharma’Sheekh uga qeyb geli doona shir madaxeedka Carabta iyo Yurub oo halkaasi ka furmi doona maalinta Berrito ee 24-ka Febraayo.
Masar ayaa ka mida saaxiibada Soomaaliya, waxayna hore dhexdhexaadin aan lagu guuleysan uga gashay xiisadii diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaraadka Carabta, waxaana safarkan la sheegay inuu la xiriiro la-tashi ay Soomaaliya la sameyneyso dalalka saaxiibada la ah.