Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray Amarro Cusub oo ku socda Hay’adaha Amniga Muqdisho [Akhriso]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo aaray amarro cusub oo Hay’adaha amnoga dowladda lagu farayo inay gutaan waajibaadka ka saaran fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada iyo sugidda Amniga nabadgelyada caasimadda.

Amarradan ayaa soo baxay iyadoo Madaxweyne Farmaajo maanta guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee Amniga, wuxuuna warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay madaxda hay’adaha ammaanka, isagoo ku adkeeyey inay wax laga bedelo istiraatiijiyada amniga ee hadda jirta.

“Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad la shaqeeysaan laamaha ammaanka. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay kulanka.

Ad

Shirka Amniga waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiirrada Maaliyadda C/raxmaan Beyl, wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoor

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON