Wednesday, July 9, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo taageeray Xil ka qaadistii Ra’iisal Wasaare Kheyre (Yuu magacaabi doonaa?)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidii la filayey taageeray kalsooni kala noqoshadii xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu kala xulanayo xubno uu doonayo inuu u magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha, waxaana ka mida agaasimaha Madaxtooyadiisa iyo madaxweynihii hore ee Hirshabelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON