Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Taliye cusub u magacaabay Nabadsugidda Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay taliyaha ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka ee Gobolka Banaadir.

Ilo ku sugan madaxtooyada ayaa sheegay in G/Sare Saadaq Cumar Xasan loo magacaabay Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir, kadib markii uu keensaday taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Sanaloolshe.

Taliyaha cusub ee NISA u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa hore u ahaa Taliya NISA ee mamulka Galmudug, wuxuuna saaxiib la yahay Taliyaha NISA ee Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ay hore u soo wada shaqeeyeen.

 Saadaq Cumar Xasan  Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir
Saadaq Cumar Xasan Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir

Waxaa weli socda magacaabidda saraakiisha iyo madaxda dowladda Federaalka oo soo bilowday tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON