Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka tegay goobtii uu qaraxii weynaa ka dhacay shalay ee Isgoyska Soope, magaalada Muqdisho.
Farmaajo oo xalay xilli dambe ku dhawaaqay baroordiiq saddex maalmood soconeyso ayaa indha indheeyay heerka uu gaarsiisan yahay qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna kadib gaaray isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa halkaasi ku bixiyay dhiig, isagoo maamulka isbitaalka ka dhageystay warbixin ku saabsan dadka waxyeeladda soo gaartay iyo sida ay ula tacaalayaan.
Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isu gurmadaan, meelna uga soo wada jeestaan caddowga u taagan gumaadka umadda. Waxaa wehliyay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.