Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Telefoon u diray Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sissi.
Sida ay qortay Wakaaalada Wararka Bariga Dhexe ee MENA Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa Masar uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya iyo dadaalka dowladiisa ugu jirto, wuxuuna ka mahad celiyay kaalinta dowladda Masar uga jirto taageerada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inuu doonayo sii xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, wuxuuna cadeeyay in Masar ay golayaasha Goboleed iyo kuwa caalamiga ah ka difaacdo danaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Masar ayaa laga soo xigtay inuu soodhoweeyay xiriirka wanaagsan ee labada dal, iyadoo buu yiri ay Masar ku dadaaleyso inay xoojiso iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo Masar ay gacan ka geysaneyso dib u dhiska hay’adaha dowladda si xasiloonida Soomaaliya dib loogu soo celiyo.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan xriirka khadka telefoonka ku dhex maray hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Masar. Warbaahinta Masar ayaa sida caadiga ah mid a dowladdu maamusho oo aan faahfaahin bixin karin.