Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Koonfurta Suudaan [Somalia oo ciidamo u direysa dalkaasi]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka mid yahay madax ka tirsan IGAD oo ka qeyb geli doonta munaasabadda dhameystirka heshiiska dhinacyada Koonfurta Suudaan oo hore loogu saxiixay magaalooyinka Khartoum iyo Addis ababa.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Reik Machar ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Jubba, si uu uga qeyb galo munaasabada heshiiska nabadeed, isagoo mar kale noqon doona madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.

Madaxda dalalka IGAD oo heshiiskan kasoo shaqeeyay ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda dhammeystirka heshiiska Koonfurta Suudaan, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka IGAD ee ciidamada u diraya dalkaasi.

HOOS KA AKHRISO WARKAN

Soomaaliya oo lagu soo daray Dowladaha IGAD ee Ciidamo Nabad ilaalin u diraya Koonfurta Suudaan

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON