Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waanwaan ka dhex bilaabay madaxda is khilaafsan ee maamulka Galmudug.
Madaxaweynaha ayaa kulamo kala duwan la yeeshay labada dhinac ee ay u kala qeybsameen madaxda Galmudug, waxaana kulanka hore uu dhex maray Madaxweynaha Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo guddoomiya ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug.
Kulankii labaad ayaa dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir, iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug.
Waanwaanta ayaa bilow ah, waxaana wararku sheegayaan in labada dhinac ay aqbaleen dib u heshiisiinta uu wado madaxweyne Farmaajo, si ugu danbeynta ay isu hor fariistaan oo xal ugu helaan khilaafka siyaasadeed ee ruxay maamulka Galmudug.