Wednesday, July 2, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo wafdi sida Farriin gaara u diray Madaxweynaha Kenya [Sawirro]

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaar gaara u diray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Farriinta madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya waxaa madaxweynaha Kenya gaarsiiyay wafdi ka kooban wasiirka arrimaha dibadda ee xilka sii haya C/salaan Hadliye Cumar iyo ergey gaara oo ka socday madaxweyne Farmaajo.

Qoraal madaxweynaha Kenya soo qoray ayuu ku sheegay inuu farriin ka helay madaxweynaha Soomaaliya, kana guddoomay ergeyga madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirk Hadliye ayaa isna sheegay in dhambaalku ku saabsanaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya, ayna Kenya iyo Soomaaliya si wadajir ah uga guuleysan karaan dhibaatooyinka hor yaalla.

Waa farriintii ugu horeysay ee madaxweyne Farmaajo u diro madaxda dalalka deriska ah oo lagu casuumay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya oo Arbacadda ka dhaceysa caasimadda.

SAWIRRO

Gobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON