Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku sugan xarunta Wasaaradda Gaashaadhigga ee magaalada Muqdisho oo shir degdeg uu kula leeyahay taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka.
Kulanka ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay warbixinta howlgallada dagaal ee ka socda Gobollada Shabeellooyinka iyo qorshaha xoojinta dagaalka oo lagu wado in ciidamo cusub ay ku biiraan oo madaxweynuhu ka dhageysanayo taliyeyaasha ciidamada.
Madaxweyne Farmaajo waxaa xarunta Gaashaandhigga ku soo dhoweeyay Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo saraakiisha sare ee ciidamada xoogga, waxaana kulanka labada dhinac lagu wadaa in lagu gaaro go’aanno ku saabsan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
SAWIRRO