Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday Guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda G/Banadir.. (Yaa loo magacaabay?)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si lama filaan ah xilkii uga qaaday guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur, isagoo magacaanay guddoomiye ku xigeen cusub.

Wareegto xalay saqdii dhexe kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo la faafiyey saaka aroortii ayaa Madaxweyne farmaajo ku magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir, iyadoo aan la sheegin sababta xika looga qaaday laguna magacabin wareegtada guddoomiye ku xigeenkii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday. Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ah kan kaliya ee si toos ah uu u magacaabo madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo gobollada kale ee dalka ay hoos tagaan maamul Goboleedyada, mana jiro gole maamul iyo nidaam ay dadka Muqdisho soo doorteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON