Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmajo: “Siyaasiyiinta Qeylinaya waa shaqo-doon, kulligood waxay rabaan wixii ay dhadhamiyeen..”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay caqabada hortaagan dowladda Federaalka, isagoo soo hadal qaaday siyaasiyiinta ka horjeeda dowladiisa oo uu ku tilmaamay inay yihiin shaqo-doon.

Isagoo ka qeyb galay xaflad uu soo qabanqaabiyey Danjiraha Soomaaliya ee magaalada Nairobi, ayna kasoo qeyb galeen Soomaalida Nairobi ayuu ka sheegay in saddexdii sano ee uu xilka hayey ay wax badan u qabsoomeen. waxna u harsan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tiriyey caqabadaha hortaagan dowladda oo mar waliba u diiday in waxqabad la timaado, wuxuuna tilmaamay xasilooni siyaasadeed la’aan inay ugu weyneyd, taasoo ay ka gudbeen markii ay fahmeen oo hadda ay wada shaqeyeen, madaxweynaha Ra’iisal wasaaraha, baarlamaanka iyo xukuumadda.

“Muddo dheer waxaa la xalin waayey khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, annaga mudaddi saddexda sano ahayd waan xalinay.. Sanadka noo haray waxaan rajeyneynaa inaysan dhicin xasilooni darro siyadeed..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in caqabadii kale ee khilaafka iyo Xukuumadda laga gudbay oo ay wada shaqeeyaan.

“Waxaa intaas dheer dhibaato aysan dadka badankood fahamsaneyn… Sanad waliba siyaasiyiin csub ayaa imaanayey, kuwii hore 4 sano kasta kuwo cusub ayaa bedela. Siyaasiyiintaas ma tagaan magaalada ayay kula joogaan.. waa active.., tiradooda aad ayay u badan tahay… haddii aad is tiraahdo 10 ama 20 kasoo bixi.. kun kale ayaa bannaanka taagan oo careysan oo idaacadaha hortaagan iyo facebook. kuligood waa shaqo-doon ah, shaqadey rabaan waa wixii ay yaqaaneen oo ay soo dhadhamiyeen..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo intaas sii raaciyey: “Siyaasiyiin qaar dagaal ayay ku jiraan qeybna waxay qeyb ka in lugaha la hayo dowladda si loo yiraahdo hebel waa qeylinayaaye bal haloo yeelo maanta, taasina waa caqbad aysan dad badan ku baraarugsaneyn..”.

Madaxweynaha ayaa caqabadaha heysta dowladda ku soo daray Maamul Goboleedyada oo raadinaya awood la mida tan dowladda, Dalalka Deriska ah iyo dalalka Khaliijka iyo Alshabaab wuxuuna sheegay in caqabadahaas oo dhan ay xarko ku hayaan si dowladda u shaqeyso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON