Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya inay goor dhow u duuli doonaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii la joojiyay socdaalkii Ra’iisal wasaare Kheyre, bedelkiisan uu madaxweynuhu dalbaday inuu isago tago magaalada fatahaadu saameysay ee Beledweyne si uu xogogaal ugu noqdo xaaladda dadka ku barakacay magaalada.
Wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid yihiin xubno labada gole ka tirsan ayaa diyaarad helikobar ah u qaadan doona magaalada oo ammaankeeda la sheegay in la sugay iyadoo uu ku sugan yahay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.