Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Farmaajo & Wafdigiisa oo Muqdisho ku soo laabtay & Wasiir kasoo haray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo  iyo wafdigii  uu hoggaaminayey ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ayaa ka soo haray, isagoo ka qeyb galaya shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya magaalada Qaahira, kaasoo ku saabsan xaalada magaalada Qudus.

Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galay Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

Khudbad uu shirkaasi ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay baahida loo qabo  in la abuuro jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso,Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.ayuu intaasi ku daray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON