Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray Dayactir lagu sameeyay Taalooyinka caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay inay dib u soo celiyeen xusuus iyo taariikhdii umadda Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa dib u soo sameysay astaamihii saarnaa taaalloyinka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, taallada Dhagaxtuur, tan Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo ku taalla Isgoyska KM 4, wuxuna khudbad uu ka jeediyey taallada SYL ku sheegay inay farxad u tahay inay dib u soo celiyeen taallooyinka taariikhda leh.
“Sida aan maanta u sameynay taallooyinkan yaan kuwo cusub u sameyn doonaa.. sababta aan u sameynay taallooyinka waa inay qeyb ka tahay taariikhdeena, dal kasta wuxuu leeyahay taariikh, iyadoo halgamayasha taallooyinka loo sameeyay ay ahaayeen halgameyaal wadaniyiin ah.
“”Marka aad Qaran raadineysid waa inaad wadani tahay oo u hadashid dalka oo dhan… Waxaan ku faanayaa in dalkeena ku hoggaamiyo soo celinta taallooyinkeenii taariikhiga ahaa ee Sayidka Dhagaxtuur, Xawo taako, Axmed Gurey iyo SYL. ” ayuu yiri madaxweyne Faramaajo.
