Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaciyey inaysan dooneynin dowlad ku dhisan confederal ama dowlado isutegay oo ay doonayaan dowlad Dhexe oo awood leh, lehna ciidan adag, dhaqaalaheeda Koontashoosha.
“Inkastoo ay (dowlad goboleedyada) qaarkood nagu dacaayadeeyaan dowlada dhexe waxay rabtaa inay awoodda qaadato, anagu waxaan dhahnaa waxaan nahay federaalka saxda ah.. Waxaan rabnaa dowlad dhexe oo adag, waxan rabnaa dowlad dhexe oo ciidan fiican leh oo dalka difaaci karta, leh siyaasad arrimo dibadeed oo adag, difaaci kartana xuduuduheeda..” ayuu yiri Madxweyne Farmaajo oo caddeeyay in ciddii diidan dowlad dhexe uu yahay qof kasoo horjeeda Federaalka.
Isagoo ka hadalyay xaflad lagu maamuusayay ardaydii ugu horeysay ee ka qalin jebisay jaamacadda Umadda ayuu si cad u sheegay inay iyagu isku arkaan taageerayaasha nidaamka Federaalka, balse aysan dooneynin nidaamka federaalka ee hooseeya ama confederaalka.