Thursday, July 17, 2025

Madaxweyne Farmaajo Xafiiskiisa surtay Sawirka Madaxweynyne Caan ah [Waa kuma..?]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu xafiiskiisa ku suray mid ka mida madaxweynayaashii Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay caawa inuu xafiiska suray sawirka madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aden Cabdulle Cusmaan, isagoo ku tilmaamay aabihii dimoqraadiyadda.

“Waxaan xafiiskayga suray sawirka Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo intaas ku daray. “Aadan Cadde ma ahayn oo kaliya Madaxweynihii 1aad ee dalka. Waxaa kale oo uu ahaa bud-dhigihii dimuqraadiyadda Afrika.”

Sawirka qurxin ahaa ayaa hore u surnaa xafiiska ayaa lagu bedelay muuqaalka madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in arrintan ay farriin u tahay dadka qaarkii oo madaxweynaha ku eedeeya qabyaalad iyo inuu madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre oo ay isku beel yihiin uu dariiqiisii ku joogo.

Jawaabta uu soo alifay madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid yaab leh oo loogu talogalay in looga hortago qolooyinka shaqsi ahaanta uga horjeeda isaga.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON