Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo “Xaqiiqdii ilaa iyo hadda waan ka adkaan la’ nahay Alshabaab, waana…”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay in 10 sano kadib markii ay Alshabaab duurka galeen aan laga adkaan oo la doonayo in la keeno qorshihii looga adkaan lahaa.

Isagoo ka hadlayay xaflad furitaan rasmi ah loogu sameeyay shirka madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayuu sheegay haddii aanay AMISOM dalka joogi lahayn in xaaladda dalka aanay sidaan ahaan lahayn.

“Waxaa xaqiiqo in dalku ku jiro xaalad adag, wuxuuna ku jiray muddo 10 sano ah intii ay Alshabaabka nabad-diidka ah duurka galeen ayna noo diideen in dowladu istaagto oo umadda Soomaaliyeed ay nabad helaan, xaqiiqdiina ilaa iyo hadda waa ka adkaan la’ nahay ma aha inay guuleysteen, waana inaan keeno qorshihii aan uga adkaan lahayn..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in wixii 10 KM ka baxsan magaalada Muqdisho aan la tegi karin, dhulkana aan gaari lagu tegi karin sida Jowhar, Marka iyo Baydhaba, wuxuuna sababta Alshabaab u daba dheeraadeen ku sheegay in dadka intiisa badan aanay ogeyn in dalku dagaal ku jiro, dagaalkana loo daayay ciidamada kaliya oo xaaladooda la ogyahay.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON