Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Tunis ee dalka Tunisia.
Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madaxda madaxda 22-ka dal ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa ka maqan inta badan madaxda sare ee dalalka Carabta, waxana Soomaaliya shirka uga qeyb galaya Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo madaxweyne Farmaajo u metalaya shirkaasi.
Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa arrimaha ugu waaweyn ee looga hadlayo waxaa ka mida xaaladda dhulka Falastiin iyo Arrinta Buuraha Golaha ee Suuriya oo Mareykanka u aqoonsaday inay leedahay Israa’iil.
Madaxweyne Farmajo ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuusan shirkaasi ka qeyb gelin arrimo la xiriira xaaladda cakiran ee amniga caasimadda darteed.