Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas oo ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa qaar kamida Wasiirada Wasaaraddaha dalka Ethiopia.
Wasiirada Madaxweyne Gaas is arkeen waxaa kamida Wasiirka Ganacsiga Mr. Bekele Bulado, Wasiirka Canshuuraha iyo Ganacsiga Mr. Molges Balga G/Medhin iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda Itoobiya.
Kulanka ayaa madaxtooyada Puntland ay sheegtay in looga hadlay arrimo la xiriira furitaanka Custom-ka xuduudda Puntland iyo Ethiopia ee Tuur-dibi, muddo sanado ahna la hadal hayay, dhowaanna la dhamaystiray dhismihiisa.
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) u sheegay dowladda Itoobiya in Puntland diyaar u tahay furitaanka custom ka Tuur-dibi iyo dardar gelinta shaqadiisaba, kaas oo laga hirgeliyey xuduudda u dhexaysa Puntland iyo Ethiopia, kaasoo uu sheegay inuu Customku halbeeg u noqon doono wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac taas oo ku salaysan ganacsiga, amaan iyo siyaasadda xuduudaha Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan xuduudaha Puntland laleedahay Ethiopia.
SAWIRRO