Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Goboleedka kaliya ee ka badbaaday fashilkii ololaha doorashada ee Xasan Sheekh…? [Warbixin]

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa noqday madaxweynaha maamul goboleedka kaliya ee aan si toos ah u dhex gelin doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo shirarkii ugu danbeeyay ee madasha Qaran qaadacay kadib isjiidjiid iyo doodo hareeyay ayaan soo dhaafin magaalada Kismaayo, inkastoo cadaadis badan oo gudaha iyo dibadda uga yimid uu saarnaa.

Hogaamiyahan ayaa hore u soo jiitay dadka Soomaalida markii uu mowqifyo wanaagsan ka istaagay arrimo dhowr ah isla markaana  uu kharash u qeybiyay xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Kismaayo.

Doorashadii madaxweyne Farmaajo ayuu Axmed Madoobe hambalyo u diray madaxweynaha cusub, wuxuuna in Farmaajo ay shaqooyin badan ay sugayaan, islamarkaana looga baahan yahay inuu u dhabar adeego, isagoo tilmaamay xaaladaha adag ee horyaala sida: abaaraha dalka ka jira, amniga iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

“Aad baan kugu hambalyeenayaa mudane Madaxweyne, waan ka wada hadli doonnaa waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto sida amniga, abaaraha iyo dhib badan oo maanta dalka uu ka jiro” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si toos ah ugu ololeyanaya hogaankii hore inuu dib u soo laabtay iyadoo jab siyaasadeed oo ana hore loo arag kala kulmay.

Kulan Nairobi ka dhacay ayaa Axmed Madoobe uu la kulmay Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed oo olole ugu jiray dib u doorashada Xasan Sheekh, waxaana shirkaasi uu ku dhamaaday iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON