Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle: “Ciidamada Soomaaliya waa difaaci karaan Dalkooda..”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay awood u leeyihiin inay difaacaan dalkooda.

Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Jabuuti ayuu sheegay inuu socdo qorshe lagu dar-dar-gelinayo sidii ay ciidamada AMISOM uga bixi lahaayeen Somalia, wuxuuna intaas ku daray in xilligan ciidamada Somalia ay ku filan yihiin inay sugaan ammaanka guud ee dalkooda.

“Dowladaha AMISOM iyo Dowladda Turkigu dadaal weyn ayay geliyeen sidii ciidamada Soomaaliya loo nooleyn lahaa loona qalabeyn lahaa. Inkasto wax badan ay maqan yihiin haddana maanta way awoodaan inay maamulaan oo ay sugaan amniga guud ee dalkooda, Anagaa ugu yar… halkan ciidamo ayaan ku tababarnaa iyo dalka gudihiisaba.. ” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Ad

Madaxweyne Geelle ayaa yiri: “Ma jiraan dowlado xilligaan la dagaalamaya Somalia oo wata diyaarado dagaal iyo taangiyo, sidaas awgeed haddii ciidamada millateriga iyo Booliiska Somalia ay isku tagaan waxaan qabaan inay amniga sugi karaan.”

HOOS KA DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON