Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kashifay Shirqool C/weli Gaas la doonayo Galmudug [Dhageyso]

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey ayaa si kulul uga hadlay oo kashifay qorshe uu wado Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo lagu burburinayo Maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay madaxweyne Gaas uu faragelin ku hayo Galmudug, isla markaana yahay kan kaliya ee u soo taagnaa dadaal badanna ku bixiyay burburinta Galmudug, wuxuuna ku goodiyay inaysan ka yeeli doonin arrintaas, isagoo ugu baaqay inuu ku ekaado maamulkiisa Puntland.

Maxamed Xaashi Carrabey ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu garab siinayo Gaas si loo burburiyo jiritaanka Galmudug, wuxuuna meesh ka saaray in dowlada Federaalka aysan wax lug ah ku lahayn khilaafka ka taagan maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON