Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hor yimid Go’aanadii Maamul Goboleedyada ee Garowe [Akhriso]

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isagoo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ee shirkii Garowe.

C/xakiin Camey ayaa madaxda maamul Goboleedyada dusha u saray inay sabab u yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, isagoo sheegay in wixii ka soo baxay Shirkii Garowe uu ahaa  go’aano aan laga fiirsan.

“Go’aamaadasi waxaan u arkaa riyo maalmeed aan suuragal ahayn, qof kastoo Soomaali ah wuu la yaabay, iyagana uma aha suuragal, dalkana suuragal kama aha, khaladka waa loo wada jeedaa wuxuu ahaa go’aan aan laga fiirsan…” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wareysi siiyey mid ka mida idaacadaha Muqdisho.

C/xakiin Camey ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ciidamada iyo Culimada Puntalnd oo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ku gaareen magaalada Garowe, wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir oo soo dhoweeyay baaqii madaxweyne Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON