Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Madaxweyn ku xigeenkii hore ee Puntland in muddo ah lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Somalilad.

Xayiraada lagula kacay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland C/samad Cali Shire ayaa la sheegay inay qaadatay muddo saacado ah oo uu  maxbuus ku ahaa Garoonka, halkaasoo ciidamada nabadsugidda ay ka qabteen.

Cabdi-Samad-Cali-ShireIntii uu xirnaa C/samad Cali Shire ayaa waxaa dhacday in  laga reebay diyaarad uu la socday oo ku sii jeeday dalka Jabuuti, wuxuuna garoonka Hargeysa ku ahaa sii marid (Transit) oo kaliya.

Arrintan kadib ayaa xaaladda ay soo farageliyeen dad ehel iyo siyaasiyiin ka tiran Somaliland, waxaana markii dambe suuragal noqotay in xoriyadiisii dib loogu celiyo C/samad Cali Shire lana dejiyay hotel ku yaala Magaalada Hargeysa.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan, waxaana aad looga hadal hayaa magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON