Madaxweynaha Itoobiya ayaa waraaqihii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoontay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Itoobiya.
Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Magaalada Addis-abab ee caasimadda Dalka Itoobiya ayay Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle -work Zewde si rasmi ah uga guddoontay waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo safiirka Soomaaliya u fadhin dooona Adis ababa iyo Midowga Afrika, isagoo dhowr bilood xilkaasi ku shaqeynayey.
Safiir C/xakiin Camey oo xirtay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayey soo dhoweysay Madaxweynaha Itoobiya oo rajeysay inuu xilkiisa si wanaagsan u guto, waxaana munaasabadda goobjoog ka ahaa diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya.
Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa xilka safiirnimo waxaa u magacaabay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo,markii ay ansixiyeen golaha wasiirada bishii Maarso 2019; kadib markii xilliyadii ugu danbeeyay xilkiisa la shaqeeyay madaxda dowladda Federaalka, kana how yimid Golihii ay dhiseen madaxda Maamul Goboleedyada dalka.


