Monday, July 7, 2025

Madaxweyne Lafta-gareen oo shaaciyay inuu Maamulkiisa diyaar u yahay qabashada Doorashada 2020/21

Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa si cad u sheegay inaysan maamulkiisa wax tabasho ah ka qabin sida dowladda Federaalka Soomaaliya u wado Doorashada Dadban ee 2020/2021.

Isagoo ka hadlayey dabaaldeg loo sameeyay sanadguurada labaad markii uu xilka qabtay ayuu ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay qabashada Doorashada dadban, isla markaana ay gudbiyeen wixii looga baahnaa oo ay gudbiyeen labadii Guddi ee Doorashada, iyadoo la raacayo heshiiskii Doorashada ee 17-ka Septembar.

“Waxaan u diyaar garownay sidii aan u heli lahayn doorasho, deganaasho iyo nabad ku dhacda oo lagu wada qanacsan yahay.. Soomaaliya maanta uma baahna inay xabbad dhacdo..” ayuu yiri Madaxweynaha K/Galbeed oo sheegay inuu diyaar u yahay dib u heshiisiin uu ka galo xaaladda Gobolka Gedo iyo Jubbaland.

“Aniga waxaan ku dhashay Magaalada Beledxaawo oo hadda la leeyahay waa lagu soo duulayaa, waxaan isu xilqaami doono sidii loo xalin lahaa khilaafka Jubbaland ka taagan.. waxaan kaloo isu xil saari doonnaa qancinta musharixiinta mucaaradka ee cabashada ka qaba Guddiyada Doorashada.. Doorshada meeshii ay ka bilaaban jirtay iyadoon la gaarin ayey qeylo bilaabatay…” ayuu yiri C/casiis Lafta-gareen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON