Wednesday, July 2, 2025

Madaxweyne Qoorqoor oo Dhuusamareeb ku laabtay isagoo aan tegin Muqdisho (Muxuu diidan yahay..?)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cbadi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdigii la socday oo ka yimid dalka Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Galmudug ee Dhuusmaareeb, isagoo aan tegin magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qooqoor ayaa muddo 4 maalmood ah socdaal ku joogay dalka Jabuuti, wuxuuna halkaasi kula kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo Jabuuti ay taageereyso dhismaha Dekadda Hobyo.

Axmed Qoorqoor ayaan sidoo kale marka uu kusii jeeday Dalk Jabuurti sii marin Garoonka Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan inuu khilaaf u dhaxeeyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, isla markaana uu diidan yahay inuu ka qeyb galo shirka Muqdisho ka dhacaya ee ay dalbadeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Wafdiga Qoorqoor waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha golaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal, xubno ka tirsan labadda gole, Hawl-wadeenada Madaxtooyada iyo qeybaha bulshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON