Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku eedeeyay Ahlu suna inay weerar ku qaaday bar Koontrool oo u dhow isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in wadaadadda ku jira INJI ay si bareer ah u weerarreen bar Koontrol, iyadoo aan la garaneyn sababta ka danbeysa, markii Gaari hubeysan rasaas ku furay ciidamadii joogay barta Koontaroolka, sida uu qoraalkiisa ku yiri.
Ahlu suna ayuu ku eedeeyay inay maalmihii danbe xarunta INJI ka waday dhaqdhaqaaqyo xaalad abuur ah, wuxuuna ugu baaqay Ahlu Suna inay ka fogaadeen wax kasta oo dhalin kara dagaal, isagoo xusuusiyay inaan xabbad xal lagu gaarin.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXWEYNE QOORQOOR
